Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey socdaalkii Nabadda iyo dib u heshiisiinta, isagoona sheegay in si dhow uu ula soconayo dhammeystirka fulinta mashaariicda uu dhagax dhigay.
Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya, dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Guddigaan uu magacaabayo ujeedkooda tahay sidii dabagal ay ugu sameyn lahaayeen mashaariicdii uu soo ballan qaadey, si loola socdo dhaqan galkooda, wuxuuna dhanka kale madaxweynaha uu sheegay iney Dowladda ka go’an tahay iney kaalinteeda ka qaadato.
Waxaana idin kugu soo gudbineynaa qeybta hoose 18 mashaariic oo uu madaxweynaha dhagax dhigay intii uu safarka ku marayey gobolada dalka.
Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl (222km)
Wado Laami isku xirta Kala Bayr & Caluula(376km)
Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo (264km)
Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq (355km)
Dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo (235km)
Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug
Xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo
Xarunta xanaaneynta agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb
Dugsiga Farsamada Gacanta – dhuusamareeb
Dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb
Dhismaha xabsiga magaalada Dhuusamareeb
Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo
Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado
Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb
Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq
Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq
Garoonka diyaaradaha Cadaado
Dhismaha Dekedda Hobyo.
Dhinaca kale mashaariicdan ay ku jiraan kuwo waaweyn oo ay ku baxeyso maaliyad aad u fara badan ayaan la ogeyn halka uu ka iman doono dhaqaalaha ku baxaya oo aan qeyb ka ahayn miisaaniyada dowlada ee sanadkan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com