Xasan Shiikh: “Waxaa inoo muuqda jawi ay ku dheehan tahay cabsi & caburin” (Daawo Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Max’uud ayaa dowladda Madaxweyne farmaajo ku eedeeyay inay caburin ku heyso dadka, isla markaana ay dalka ka abuurtay dhibaatooyin kala duwan

Xasan Shiikh ayaa sheegay inuu xumaaday xiriirkii maamul Goboleedyada iyo dowlada dhexe iyadoo aysan wada shaqeyn labada aqal ee Baarlamaaka.

Waxaa uu intaas in dowladda hadda jirta ku xadgudubtay aragtida dadka iyo xisbiyadda mucaaradka, isagoo tuisaale u soo qaatay wixii ka dhacay doorashadii Baydhaba iyo xiriirka.

“Waxaa inoo muuqda maanta jawi ay ku dheehan tahay cabsi iyo caburin” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Somalia oo dhinaca kale bogaadiyey horumarka dowladu ka sameysay qeybaha dowladnimada qaarkood.

Waxaa uu hadalkan ka jeediyey munaasabad xariga looga jarayey xarun cusub oo xisbigiisa UDP uu ka furtay magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ka qeyb galay xafladaas qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo uu ka mid yahay C/raxmaan C/shakuur, xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale.

.Wuxuu madaxda dowladda Soomaaliya kula taliyey inay wax ka bedelaan qaabka ay ku socdaan, ayna tixgeliyaan rabitaanka shacabka gaar ahaan kuwooda danyarta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -