Maraykanka oo beeniyey warar laga faafiyey Ciidamada ka jooga Somalia

Maraykanka ayaa beeniyey warar uu baahiyey Tv-ga NBC oo lagu sheegay in howgalka ciidamada Mareykanka ay ka wadaan Soomaaliya la dhimayo, waxaana warkan si weyn u faafiyey Warbaahinta caalamka qaarkood.

Afhayeenada Wasaaradda difaaca Mareykanka sidoo kalena ah taliyaha Ciidanka Badda Mareykanka Candice Tresch ayaa sheegtay in saraakiisha ay NBC soo xigatay ay yihiin kuwo hore balse hada aanan u shaqeyn.

Waxa kale oo ay sheegtay in wax is bedel ah aanan lagu sameyn qorshe siyaasadeedkii mareykanka ee Soomaaliya oo ay ciidamadooda weli baaqi ku sii ahaan doonaan Soomaaliya.

Maraykanka ayaa waxaa Somalia ka jooga ciidamo gaaraya illaa 500 oo askari kuwaasoo tababara ciidamada Dowlada, iyagoo duqeymo iyo weeraro kale ka fuliya degaanada ay joogaan Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -