Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Shirka ka dhacaya Garoonka Aadan Cadde

War Saxaafadeed Wadajir ah oo kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay shirka la filayo in xeendaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku dhax maro Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Beesha caalamka warka kasoo baxay ayaa lagu booriyay Hogaamiyaasha Soomaalida in si dhakhso ah u shiraan ayna sii ambo qaadaan qodobadii kasoo baxay shirkii guddiga farsamada ku yeesheen magaalada Baydhabo.

“Waxaan ku boorineynaa inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay beesha caalamka lagu yiri “Waxaan sidoo kale dhiirigelinaynaa la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaaran.”

Beesha caalamka ayaa sheegtay in aysan u muuqan in wax laga bedeli karo hanaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17-kii sebtember, si loo qabto doorasho u dhacda si xor iyo xalaal ah raalina laga wada yahay.

“Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dadaalada ay ugu jiraan isku soo dhaweynta saamileyda siyaasada Soomaaliya si dalka uga hirgasho doorasho xor iyo xalalaal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -