Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sidee Xassan Shiikh iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Nairobi? (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi halkaas oo booqasho rasmi ah uga billaabatay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmi doona dhiggiisa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wadahadalladooda dhinacyada badan taabanaya waxay xoogga ku saari doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, waxeyna adkeyneysaa xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Related posts

Ciidanka NISA oo degmada Afgooye ka soo qabtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Sargaal ciidan iyo ilaaladiisa oo weerar gaadmo ah lagu dilay iyo xiisad ka..

Cabdi Cade

Turkiga oo Shaaciyay in aan lagu qasbi karin in Sweden u ogolaadaan in ay NATO ku biirto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---