Allbanaadir.com
NEWS

S/Guuto C/llaahi Shire (Dool) & Saraakiil kale oo xilal muhiim ah loo magacaabay (Akhriso)

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-04 January 2018 Taliyaha iyo kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Ciidanka Booliska Dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland.

Markuu arkay: Datuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.
  2. Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.
  3. Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magacaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Xeerkani wuuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha caalamka oo War ka soo saartay Shirka Muqdisho & qodobo laga dalbaday (Akhriso)

Caydiid Ali

Guddoomiyihii Gobolka Gedo ee DF oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo lagu bedelay

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo Jubbaland madaxdooda oo ka arrinsaday dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---