Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Madaxweyne Xasan oo Jubbaland madaxdooda oo ka arrinsaday dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axamed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaand kaasi oo lagaga arrinsaday dib u xorenta deegaanada ku jira gacanta Al Shabaab ee ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo Golaha Wasiirrada la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee dardar galinta wejiga labaad ee howgalka dib u xoraynta dalka oo dhawaan ka billaabanaya deegaanada Jubaland iyo Koonfur-galbeed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in waqti dhow uu bilaaban doono wejiga labaad ee howlgalka ciribtirka Khawaarijta.

Kulankan waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dowlad-goboleedka Jubaland, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya waxay u baahan tahay Unitary System laakiin uma baahna Federal System

Cabdi Cade

Beesha Dir oo Saluugsan Magacaabista Wasiirada iyo Taliyaasha Maamulka Soomaalida Itoobiya

Cabdi Cade

Tirada Weerarada Mareykanka ka fuliyay gudaha Soomaaliya Xiligii maamulka Trump oo la shaaciyay

Cabdi Cade