Guddoomiyihii Gobolka Gedo ee DF oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo lagu bedelay

Guddoomyihii maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka ayaa xilka laga qaaday, iyadoo guddoomiye cusub lagu bedelay.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaa Gudaha ee Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) lagu eedeeyay xil gudasho la’aan.

Wareegto ka soo baxday Wasiir ku-xigeenka Arrimaa Gudaha ee Jubbaland ayaa sidoo kale lagu magacaabay Axmed Buulle Gareed inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland ee xil ka qaadista iyo magacaabista ka sameeyay Gobolka Gedo ayaa ka goostay maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna taageersan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dad badan ayey yaab iyo amakaag ku noqotay in wasiiru dowle keligiis taagan uu xil ka qaadis iyo magacaabis ka sameeyo Gobolka Gedo, isagoo ka amar qaadanaya DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -