Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo dhimaya howlgalada ciidankooda ka wadaan Soomaaliya

Dowlada Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fakareyso qorshe lagu dhimayo ciidanka ka jooga Soomaaliya iyo sidii loo yareyn lahaa howlgalada iyo duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Saraakiil katirsan dowlada Mareykanka ayaa sheegay in dowlada ay ka fekereyso sidii ay ula soo bixi laheyd ciidamada ka jooga Soomaaliya iyo sidii loo yareyn lahaa duqeymaha dhinaca cirka ah ee lagu hayo Al Shabaab.

” Halista inaga soo wajihi karta Islaamiyiinta Soomaaliya ka dagaalama waa mid yar, waxaana duqeymo ku dilnay madaxdii ugu sareysay marar badan, markaan waxaa la joogaa markii gebi ahaanba aan ciidamadeena kala soo bixi lahayn” Saraakiil Mareykan ah ayaa sidaa u sheegay Tv-ga NBC.

Saraakiishan Mareykanka ayaan wali sheegay xiliga la qorsheenayo in Soomaaliya laga saaro ciidanka ka jooga, waxaan ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ka jooga Soomaaliya laga yaabaa in waqti badan qaadato.

Dowlada Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo gaar ah oo fuliya howlgalo ka dhan ah Al Shabaab iyaga oo taageeraya kumaandooska Soomaaliya, waxa sidoo kale Mareykanka duqeymo ku hayaan xarumaha Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Shaxda 27-ka qodob ee Guddoomiye Cabdi Xaashi kashifay in wax laga bedelay

Caydiid Ali

Duqii hore ee Muqdisho oo geeriyooday iyo madax kala duwan oo geeridiisa ka hadashay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xaaf oo khudbad ka jeediyay Munaasabad ka dhacday Cadaado (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---