Hoteel la sheegay in Dhaqan Xumo lagu sameeyo oo Xayiraad adag lagu soo rogay (Akhriso)

Maxkamada gobolka Maroodi jeex ayaa xayiraad adag saartay Hotelka lagu magacaabo Beerta Libaaxyada oo kuyaala Hargeysa , kadib markii hoteelkaasi la sheegay in xiliyada habeenkii in lagu sameeyo waxyaabo dhaqan xumo ah.

Dadka dariska la ah Hoteelkan ayaa booliiska u gudbiyay dacwad ka dhan ah Hoteelka, waxa ayna dadku sheegeen in xiliyada habeenkii hoteelkaasi lagu sameeyo waxyaabo dhaqan xumo ah sido kale laga daaro Muusig codkiisu sareeyo.

Booliiska ayaa dacwada laga soo gudbiyay hotelkan u gudbiyay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex , waxa ayna Maxkamada soo saartay xayiraad Hoteelkaasi la saarayo xiliyada habeenkii inta dacwada socoto.

Halkan ka Akhriso Go’aanka Maxkamada kasoo baxay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -