(Akhriso) Shaxda 27-ka qodob ee Guddoomiye Cabdi Xaashi kashifay in wax laga bedelay

Guddoonka Aqalka Sare ayaa maanta soo bandhigay sida loo been abuuray waxna looga bedelay afartii xeer ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka, kuwaasoo qaarkood la ansixiyey, qaarka kalena a hor yaallaan Golaha Shacabka.

Wax ka bedelka xeerarkan oo si qarsoodi ah u dhacay ayaa lagu eedeynayaa inay ka dambeeyeen Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana sida ku cad shaxda hoose laga leeyahay saddex ujeeddo oo halis ah, kuwasoo kala ah: In meesha laga saaro doorkii Aqalka Sare ku lahaa Xeerarkan oo Baarlamaanka kaliya isu koobo awoodda, in laga boodo habraacii sharciyadda ee in loo gudbiyo Aqalka Sare, kadibna uu saxiixo Madaxweynaha iyo in si dano shaqsiyaad ku jirto kuraasta Baarlamaanka qaarkeed loo raro degaano aysan beelahoodu degin.

Arrimahan oo dhami waxay yimaadeen markii Guddoomiyaha Aqalka Sare ka baxay fadhiyadii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka, isagoo ka diiday Madaxweynaha inuu kusoo laabto fadhiyadii wadajirka ahaa iyo inuu taageero qorshaha taageerada Guddiga Doorshada Qaran ee Xaliimo Yarey hoggaamiso.

Wax ka beddelka la sameeyey ayaa waxaa caddeynaya in nuqulka saxda ah ee maanta uu soo bandhigay Aqalka Sare uu bog kasta leeyahay saddex shabbad oo kala ah Aqalka Sare, Aqalka Hoose, iyo Guddiga Wadajirka ah. Balse nuqulka la been abuuray uusan lahayn.

Qodobada wax badalka lagu sameeyey ayaa gaarayo illaa 27 qodob, waxaana meesha laga saaray qodobo la isku ogaa, taasoo uu Guddoomiye Cabdi Xaashi ku tilmaamay mid aan sharci aheyn.

Hoos ka akhriso shaxda 27-ka qodob ee saxda ah iyo kuwa lagu bedelay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -