Ciidamada Jubbaland oo Diyaar garow ugu jira dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Daawo Sawiro)

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa diyaar garow xoogan ugu jira duulaan ay ku qaadaan deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Jubbada Dhaxe ay maamulaan dagaalamayaasha Al Shabaab.

Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose waxaa gaaray ciidamo badan oo loogu tala galay in ay fuliyaan howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana ciidankan hada ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay duulaan ay qaadaan.

Ciidamada Jubbaland ayaa hada bilaabay in ay gaaraan deegaano duleedka ka ah degmada Afmadow, waxa ayna ciidamada doonayaa in ay howlgalo xoogan ka fuliyaan deegaanada ay Al Shabaab maamulaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, waxa uuna Axmed Madoobe faray Ciidamada Jubbaland in ay Al Shabaab ka xureeyaan deegaanada iyo degmooyinka ay ka maamulaan Jubbooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -