Allbanaadir.com
NEWS

Isbeddel ku yimid Luuqada adag ee Mareykanka & Yurub ku wajahaan Iran

Falanqeyn

  1. Mareykanka iyo qaar ka mid ah waddamada Yurub (sida Faransiiska, Jarmalka iyo UK) waxay muddo dheer Iran ula hadlayeen si hanjabaad iyo cadaadis ah, iyagoo adeegsanayay cunaqabatayn dhaqaale, hanjabaado ciidan, iyo go’doomin siyaasadeed. Haddase waxaa muuqata in:
  • Luuqaddii adkeyd ay is bedeshay, loona leexday mid xasiloon oo ku dhisan wadahadal iyo dublamaasiyad.
  • Isbeddelkan wuxuu astaan u yahay in xaqiiqooyinka dhabta ah ee dagaalka iyo awoodda Iran oo la fahmay. Waxaa la ogaadey in Iran aysan ahayn dal loo burburin karo si sahlan, sida horey loo saadaaliyay.
  1. Khasaaraha iyo Saamaynta Weerarkii Iran ee jawaabta u ahaa kii Israel

Waxaa la saadaaliyay in Israel awood u leedahay:

  • Inay si dhaqso ah uga hortagti karto weerarrada Iran.
  • In awoodda Iran ee ciidan iyo tan nukliyeer ay ku wiiqi karto weerarro xadidan.

Laakiin xaqiiqdu waxay noqotay mid ka duwan:

Iran waxay qaaday weerar toos ah oo xisaab ku socda, iyadoo la rumeysan yahay in qaar ka mid ah hubkii loo adeegsaday uu Israel uu ahaa fariin, halkii uu noqon lahaa burburin toos ah. Si kale, waxay ahayd “a demonstration of capacity”, not a “final strike.”

Weerarkaasi wuxuu argagax ku riday shacabka Israel, wuxuuna sababay in:

  • In diyaaradaha rayidka dhamaan dhulka Israel heysato laga raray.
  • Dadka yuhuuda ah ee la dejinayey dhulkaas tan iyo sannadihii la soo dhaafay hadda ay dareemeen in meeshaasi aysan amni ahayn.
  • Waxaa sare u kacay walaaca ammaanka gudaha Israel – tani waxay muujineysaa guuldarro istiraatiiji ah.
  1. Dhibaatada laga dareemayo gudaha Israel iyo Arrinta Masar & Urdun

Dadka odorosa arimaha bariga dhexe waxey la yaabeen in:

  • Masar iyo Urdun – oo horey uga biyo diidanaa in dadka Gaza ay u gudbaan dalalkooda ama gargaarka loo maro – ay haatan ogolaadeen in Yuhuudda Israel ka cararaysa ay garoomadooda si qarsoodi ah uga dhoofaan.

Arrintaasi waxay muujineysaa, oo muuqata in Masar iyo Urdun ay si farsamaysan uga faa’iideysanayaan xaaladda – si ay u qanciyaan wadamada reer Galbeedka iyo Israel.

Maxaa Laga Baranayaa?

  • Iran waa awood gobolka ah oo aan la iska indho tiri karin. Waxay leedahay awood ciidan oo xisaab leh, iyo go’aan siyaasadeed ka madax bannaan cabsi gelin dibadeed.
  • Israel, inkasta oo ay leedahay teknoolojiyad ciidan oo aad u sareysa haddana waxaa la dareemayaa hoos u dhac kalsooni gudaha ah – gaar ahaan marka ay dadkeeda bilaabaan ka fekeridda qax.
  • Reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka, wuxuu bilaabay inuu fahmo in xalka gobolkani uusan ahayn mid ciidan kaliya lagu gaaro, balse loo baahan yahay wadahadal.

Warbaahinta Israel: Hoyga difaaca adag leh ee Petah Tikva, oo loogu talagalay in uu y adkeysto dagaallada nukliyeerka, ayaa burburay ka dib markii ay gantaallada Iran si toos ah u garaaceen, taasoo sababtay dhimashada afar ka mid ah ciidamada ammaanka Israel. 🇮🇱 Israel ayaa wajahaysa nolol hubsnti la,aan ah

Inta badan Waxaa la xirey safaaradaheedii dunida

Iiraan ayaa ku dhawaaqday in la dilay taliyaha hay’adda sirdoonka, Jeneraal Maxamed Al-Kaadhimi, kaddib duqeyn lala beegsaday maanta magaalada Tehran.

Abdifatah Dahiye

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Qaraxii maanta lagu dilay Cabdullaahi Cali Waafow

Cabdi Cade

Mareykanka oo cunaqabateyn adag saaray Milatariga Sudan iyo Imaaraadka oo….

Cabdi Cade

Maareeye oo eedeyntii ugu horeysay u jeediyey Xukuumada Raisul Wasaare Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---