Warar sheegaya in Hogaanka Ahlu Sunna aqbaleen in ay is dhiibaan iyo khilaaf ka taagan cida ay …

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in hogaanka sare ee Ahlu Sunna ay dalbadeen in xabada la joojiyo sidoo kale lala furo wadahadal ay isku dhiibayaan.

Sida aan wararka ku helnay Hogaanka Ahlu Sunna oo hada ku jira xarunta Inji ay hareereeyeen ciidamo taabacsan maamulka Galmudug ayaa dalbaday waan waan iyo in xiisada la dejiyo si aysan xaalada faraha uga sii bixin.

Xaalad adag ayaa la sheegay in lasoo daristay hogaanka Ahlu Sunna oo xarunta Inji ku heesta ciidamo aan sidaa u badneyn, waxa ayna kooxdan ku guul dareestaan in ay helaan gurmadyo ay filayeen in ay soo gaari doonaan, waxaa sidoo kale lagu go’doomiyay Inji.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo sheegay in Hogaanka Ahlu sunna codsadeen in ay isku dhiibaan ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Dhuusomareeb , waxa ay sidoo kale la sheegay kooxdaasi codsadeen in loo ogolaado in magaalada ka baxaan.

Madaxda sare ee Galmudug ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen in hogaanka Ahlu sunna iyo ciidankooda isku dhiibaan ciidamada AMISOM ama magaalada ka baxaan, waxa ayna dalbadeen hadii ay kooxdaasi hadii ay run sheegayaan in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowlada.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa la sheegay in ay diidan yihiin in ay isku dhiibaan ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug, waxa ayna sheegeen in aysan ciidankaasiu ku qabin kalsooni  badan balse doonayaan in isku dhiibaan ciidamada AMISOM.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa caawa waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in looga baaqsado in dagaal kale magaaladaasi ka dhaco. waxaana kulamo caawa ka socdaam xarunta Madaxtooyada Galmudug iyo xarumo kale oo magaaladaasi kuyaala.

Dadaalada xal loogu raadinayo in xabada la joojiyo ana wadahadalo ayaa hadii caawa guul dareestaan laga cabsi qabaa in mar kale dagaalamaan ciidamada isku hor fadhiya xarunta Inji ay ku jiraan Hogaanka Ahlu Sunna.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -