Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dabley lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab oo Shaqaale Caafimaad ka afduubtay Kenya

Dabley loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, darawalkii waday gaari nooca ambalaas ah iyo bukaankii ay wadeen ka afduubtay meel ku dhow xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya sida uu sheegay Booliska dalkaas

Raggan ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gaari ambalaas ah oo ay leedahay dowlad goboleedka Mandera ee waqooyi bari dalkaasi, xilli ay bukaanka u qaadaysay isbitaal ku yaala degaanka.

Ambalaasta iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa ku sii jeeday isbitaalka Ceelwaaq si loogu gudbiyo bukaan, iyadoo dableyda looga shakisan yahay Al-shabaab ee qafaashay baabuurka iyo shaqaalaha ay ula baxsadeen xadka Soomaaliya.

Falkani ayaa ku soo aaday xili weerarada Al Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya ay sanadihii ugu dambeeyay yaraadeen waxaa xusid mudan in kooxdu ay horey u beegsatay ciidamada ammaanka, iskuullada, gaadiidka, magaalooyinka iyo isgaarsiinta waqooyi bari iyo bariga Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Biixi oo qaabilay Wufuuda Ka Qaybgalaysa Furitaanka Wejiga 1-aad ee Dekeda Berbera (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo baabi’iyey heshiiyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka Muqdisho (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade

Isimada SSC Khaatumo oo Shaaciyay in aysan qeyb ka aheyn Doorashada Puntland Go’aana soo saaray

Cabdi Cade