Wabiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Baladweyne iyo dad ku go’doonsan (Sawirro)

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee caasimada gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaafado badan oo kuyaala magaaladaasi uu ku fatahay wabiga Shabelle ee magaaladaasi dhax mara.

Biyaha wabiga ayaa galay xaafadaha magaalada Baladweyne qaarkood, dad badan ayaana isaga barakacay guryahooda kadib markii ay biyo buux dhaafiyeen, waxaa sidoo kale jira dad wali ku go’doonsan xaafadaha qaar.

Dadka isaga barakacay magaalada Baladweyne ayaa gaaray duleedka magaaladaasi halkaas ay ay ku heesato dhibaatooyin badan, waxaana hada xaalad adag laga soo sheegayaa magaalada Baladweyne.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in ay sii kordhaan fatahaada uu sameenayo wabiga shabelle maadaama ay wali da’ayaan roobab xoogan, waxaana xirmay qaar badan oo kamid ah wadooyinka magaalada Baladweyne.

Dadaalo lagu doonayay in looga hortago fatahaada wabiga Shabelle ayaa fashilmay, maamulka Hirshabelle iyo dowlada federaalka Soomaaliya ayaa horey uga seexday in xal loo helo fatahaada uu wabiga sameeyo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -