Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo doonaya inuu dilo shan ka mid ah dadkii qaarajiyey Khashoqgi

Xeer ilaalinta Sacuudiga ayaa dil toogasho u dalban doono shan nin oo ku eedeysan dilka weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas maanta werisay wakaaladda wararka dalkaas, iyadoo maanta ay maxkamad billowday dhageysiga dacwadaha 11 eedeysane.

Wakaaladda wararka SPA iyo telefishinka qaranka, oo warkan weriyey, ma aysan bixin wax faah-faahin oo ku saabsan kulanka maxkamadda ee maanta, iyo magacyada eedeysanayaasha.

Si kastaba, qoraal kasoo baxay dacwad-oogayaasha ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha ay dhageysiga dacwadda ku wehliyeen qareenadooda.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay, in dacwad-oogayaasha ay codsi u direen Turkiga, ayaga oo raadinaya caddeymaha ay Ankara ka ururisay dilka Khaashuqji oo labadii October 2018, ka dhex dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

“Xafiiska dacwad-oogaha weli ma helin wax jawaab, waxaana weli uu sugayaa jawaab” ayaa lagu yiri bayaanka.

Turkiga weli wax jawaab ah kama bixin arrintan, hase yeeshee saraakiisha Ankara waxay horey u sheegeen in caddeymaha dilka ay la wadaageen Sacuudiga iyo dalal kale.

Khashoqji ayaa qoraallo ka dhan ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku qori jiray wargeyska Mareykanka ee Washington Post.

Boqortooyada ayaa markii hore beenisay in Khashoqji la dilay, hase yeeshee waxay sheekadeeda beddeshay oo ay dilkiisa qiratay toddobaadyo kadib.

Warbaahinta Turkiga ayaa horey u daabacay sawirrada xubno ka mid ah ilaalada Maxamd Bin Salmaan oo galaya qunsuliyadda ka hor inta aan lagu dhex dilin Khaashuqji.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Qoor-qoor oo la dardaarmay shacab uu kula tukaday Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Ciidamada Maraykanka oo xeebaha Soomaaliya ka bilaabay howlgalka Octave Quartz

Caydiid Ali

Iska hor imaad Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade