Saraakiishii dhowaan ku dagaalamay duleedka degmada Kaaraan oo la kulansiiyey

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo dhowaan ciidamo ay kala wateen ay shaqaaqo ku dhexmartay degaanka Gubadley ee degmada Kaaraan ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa lagu xalinaayey khilaafkii sababay dagaalkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo ciidamada iska horjeeday.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ka tirsan waxgaradka beesha Mudulood ayaa ku guuleystay inuu isu keeno G/Sare Saney Cabdulle iyo Col. Cismaan Xaadoole, kuwaasoo gogol uu maanta u dhigay is faham hordhac looga gaaray wixii dhacay.

Waxaa sidoo kale isdhexgal ay muujiyey labada ciidan ay kala hoggaaminayeen saraakiishan ee maalmo ka hor iska horimaadka dhex maray, waxaana loo balansan yahay in maalmaha soo socda la fidiyo gogol ballaaran oo xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka sababay gacan ka hadalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -