Qaabka loo Ansixin doono Wasiirada cusub ee Puntland oo go’aan laga gaaray

Waxaa maanta magaalada Garawe kulan ku yeeshay Xildhibaanada maamulka Puntland, waxa ayna Xildhibaanadan ka doodayeen wax ka badal lagu sameenayay qaabka loo ansixinayo Wasiirada cusub uu soo magacaabayo Madaxweynaha maamulkaasi.

Kulanka Xildhibaanada waxaa kasoo qeyb galay 53-Xildhibaan, waxaana Xildhibaanada dood kulul ka yeesheen wax ka badal lagu sameenayay qaabka loo ansixinayo Wasiirada uu yeelanayo maamulkaasi.

Xildhibaanada ayaa dooda kadib cod u qaaday wax ka badalka xeerkan waxaana 26-Xildhibaan u codeeyeen in golaha Wasiirada loo ansixiyo si guud halka 23-Xildhibaan kale diideen waxaana ka aamusay 3-Xildhibaan oo kale.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa ugu dambeyn shaaciyay in Xildhibaanada u codeeyeen in golaha Wasiirada marka lasoo dhiso lana horkeeno hal mar codka kalsoonida u qaadaan.

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa horey Wasiirada ugu meel marin jiray hal hal , waxaana hada meesha ka baxaya in Baarlamaanka ay hal hal codka ugu qaadaan Wasiirada iyagoona hal mar wada ansixinaya ama wada diidaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -