Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro) Raisul wasaare Khayre iyo wafdigii uu horkacayey oo gaaray dalka Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigii uu hoggaaminayey ayaa gaaray dalka Switzerland

Waxay halkaas kaga qeyb galayaan shirka Dhaqaallaha Adduunka oo maanta halkaas ka furmaya isagoo ka jeedin doona khudbad muhiim ah oo ku saabsan xaalada Somalia.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Switzerland iyo sidoo kale Soomaalida ku nool dalkaasi qaarkood.

“Wefdi ballaaran oo aan hoggaaminayo ayaa gaarnay Dalka Switzerland si aan uga qeyb galno shirka Madasha dhaqaalaha adduunka oo si rasmi ah naloogu soo casuumay” ayuu yiri Kheyre.

Waxaa uu intaasi kusii daray hadalkiisa in Kobaca Dhaqaalaha Dalkauu yahay ahmiyadda u horreysa ee xukuumaddiisa, si dhaqaalaha dalku kor loogu qaadana loo baahan yahay xiriir wanaagsan oo ku dhisan isla xisaabtan iyo daah-furnaan in lala sameeyo deeq bixiyeyaasha caalamka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qabriga Bashar Al Asad aabihiis oo dab la qabadsiiyey

Caydiid Ali

Dowlad si qarsoodi ah u siisay Ururka Xamaas Diyaarado iyo Qalab kale oo casri ah

Cabdi Cade

Weerarkii Hotel Cas-caseey oo la soo afjaray & & Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---