Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cudurka COVID 19 oo saacadihii ugu dambeeyey tiro dad ah ku dilay Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 90 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay,  10 qof ayaana u geeriyootay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (40) Puntland (26), iyo Somaliland (20).

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 17,302, waxaa bogsootay 8,363 Ruux. guud ahaan 963 ayaana u geeriyootay cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Yurub kuyaalla oo soo saaraya sharci lagu ciqaabayo dadka Quráanka guba

Cabdi Cade

Qaybta 2aad :-Muxuu ahaa codkii mucjisada ahaa ee la maqashiiyay Nebi Suleymaan CS? (Qiso cajiib ah)

admin

Madaxweynihii hore ee Somalia oo dalka Azerbaijan kaga qeyb galay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---