Farmaajo oo ku dhawaaqay Maqaam cusub oo ay yeelan doonto Magaalada Cadaado

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay Maqaam cusub oo yeelan doonto Magaalada Cadaado.

Hadalkan ayuu Madaxweynuhu ku dhawaaqay wax yar ka dib markii uu saaka dib ugu laabtay Magaalada Cadaado isagoo ka soo ambabaxay degmada Caabudwaaq oo uu maalmahan ku sugnaa.

Farmaajo ayaa sheegay in Cadaado ay noqon doonto xarunta Baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug, waxaana arintan si weyn u soo dhoweeyey waxgaradka degmadaas.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in magaalada Cadaado laga fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameynayo garoonka dayuuradaha dhismaha xabsi cusub iyo dekeda Hobyo oo maanta uu dhagax dhigi doono.

Maqaamka cusub ee loo sameeyey degmada Cadaado ayaa soo afjaraya tabashadii beesha degmadaas ay ku diideen heshiiskii ahlu suna iyo Galmudug oo sababay in maamulka Galmudug uu u guuro magaalada Dhuusamareeb.

Cadaado ayaa muddo dhowr sano ah aheyd xarunat KMG ah maamulka Galmudug, waxaana degmadaas ku shaqeynayey madaxda sare ee maamulkaas iyo baarlamankooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -