Dowlada Turkiga oo si kulul u dhaleeceysey talaabo ay qaaday Israel

Wasaarada Arrimaha dibada Turkiga ayaa lagu cambaareeyay go’aanka Israel ee ugu fasaxsay Yuhuuda ku cibaadeysiga Masjidka Barakeysan ee Qudus.

Bayaan ka soo baxay Wasaarada ayaa ku tilmaamay talaabada Yuhuuda mid abuureyso xiisad cusub iyo shaqaaqooyin ka dhex bilowda Falastiiniyiinta iyo Yuhuuda.

Garsoore Israa’iil ah ayaa xukumay in Yuhuudda ay si aamusnaan ah ugu gudan karaan salaadooda dhismaha masjidka Al-Aqsa, oo ay si weyn u xushmeeyaan Muslimiinta, go’aankaasi oo horseeday caro ballaaran.

Al-Aqsa ayaa udub dhexaad u ah khilaafka Israa’iil iyo Falastiin, wuxuuna haatan ka mid noqday bariga Qudus ee ay Israa’iil maamusho, inkastoo uu masaajidka maamulo golaha arrimaha Islaamka ee Waqf.

Golaha Waqf ayaa xukunkii Talaadadii ee maxkamadda ku tilmaamay “daandaansi” aan sharci ahayn, halka ra’iisul wasaaraha Falastiin Maxamed Shtayyeh uu uga digay Israa’iil tallaabo kasta oo lagu dhaqan gelinayo go’aankaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -