Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in ay isku soo dhibeen xubno katirsan Al Shabaab

Dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad sida lagu xaqiijiyay war kasoo baxay taliska ciidankaasi.

General C/casiis C/laahi Qooje Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in sadex Dagaalame oo katirsanaa Al shabaab isku soo dhiibeen ciidanka milatariga ee fariisinka ku leh Deegaanka Bacaadweyne oo hoostaga Degmada Hobyo .

Taliyaha ayaa sheegay in ragaan kasoo baxay Al Shabaab iskuna soo diibay dhankooda ay go’aankan qaateen kadib markii ay arkeen Xasuuqa iyo dhibaatada Nabadiidka ku hayaan shacabka Soomaaliyeed sida uu tilmaamay.

Milatariga Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday gobolada Mudug iyo Galgaduud gaar ahaan deegaano ku dhaw dhaw degmooyin ay Al Shabaab ka maamulaan goboladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo qaaday talaabo horey looga digay

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo ku laabtay Jowhar si weyna loogu soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Maamulka G/Banaadir ma awoodaa inuu shacabka siiyo Caafimaad dhameystiran?

admin
Taboola Ads ---