Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar dhimasho badan geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Qarax loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa caawa lagu weeraray xarunta laanta Horseed ee degmada Yaaqshiid,  Magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Wararka ayaa sheegaya in Bamka lagu weerarray xarunta Laanta horseed ee degmada Yaaqshiid ay ku dhinteen 5 qof oo midkood uu yahay askari, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo kale, iyadoo dadkii weerarka ka danbeeyay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada Amniga ayaa xiray goobta weerarku ka dhacay, iyadoo goobta ka qaaday dadkii ku dhintay weerarka, waxaana baxsaday kooxihii weerarka geystay.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay xili uu maanta xilka la wareegay guddoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid oo bedelay guddoomiyihii hore ee degmadaas oo eedeymo culus loo jeediyey

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo Musharax oo u gudbay wareega Sadexad ee doorashada Madaxweynaha Puntland

Caydiid Ali

Dalxiisayaal isku dul sawiraya Markab ay dhawwaan Afduubteen Xuutiyiinta (Sawirro)

Cabdi Cade

Al-shabaab oo si buuxda ula wareegtay degaan ku yaalla duleedka Magaalada Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---