Dowlada Somalia oo la sheegay in ay ku deg degtay Talaabada ay ku erisay Nicholas Haysom

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal dalka looga eryayo Wakiilka xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Haysom oo bilo kahor Soomaaliya ka shaqo bilaabay.

Iid Badal Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay ku deg degtay talaabada ay dalka kaga eryeyso Ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Iid Badal in go’aanka ay gaartay dowlada Soomaaliya looga baahnaa in ay u marto qaab diblumaasiyadeed, waxa uuna xusay in muhiim aheyd in dowlada la xariirto Madaxda Qaramada Midoobay si xiriirka labada dhinac loo ilaaliyo.

“Ergaygan waxaa soo dirsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, waxay aheyd in isaga lala xiriiro oo jid diblumaasiyadeed la isticmaalo oo loo sheego in safirkii u fadhiyay Soomaaliya inuu xadgudub sameeyay, dowladda u dirto caddeynta isagana uga codsato inuu dib ula soo noqdo safiirkiisa inta ay dowladdu toos u eryi laheyd” ayuu yiri Iid Baddel.

Danjire Iid Badal ayaa sidoo kale sheegay in talaabada uu qaaday Danjire Nicholas Haysom ay aheyd mid qaldan, waxa uuna tilmaamay in laga doonayay in xaalada Soomaaliya kaliya ka warbixiyo balse aan laga rabin in su’aalahas oo kale dowlada weydiio.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -