Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Xildhibaan sheegay in Puntland aysan aheyn sida Waqooyiga Kuuriya

Xildhibaan Cali Yuusuf  Cali Xoosh oo shalay gaaray magaalada Garawe ayaa si kulul uga hadlay go’aankii maamulka  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu soo saaray uu ku amray in Puntland aysan soo gali karin masuuliyiinta iyo shaqaalaha dowlada Federaalka.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in wax aad looga xumaado tahay in maamulka Waqtigiisu dhamaaday ee Cabdiweli Gaas yiraahdaan Puntland ma imaan karaan Wasiirada dowlada Federaalka iyo madaxda kale ee dowlada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Puntland aysan aheyn sida Waqooyiga Kuuriya oon la tagi karin, waxa uuna cadeeyay in Puntland tahay dhul Soomaaliyeed ayna tagi karaan Wasiirada, Shaqaalaha dowlada iyo cid kasta.

”Waxaan aad uga xunahay oo dhaqan cusub aan la yeeli karin in la yiraahdo Wasiiradu ma imaan karaan Puntland, maahan Puntland Waqooyiga Kuuriya ee xir xirnaa, dalku waa dalkeenii qof kasta oo Masuul ah iyo muwaadin ah xaq ayuu u leeyahay in uu yimaado ” Ayuu yiri Xildhibaan Cali Xoosh.

Hadalka Xildhibaanka ayaa daba socda go’aankii Puntland dhawaan soo saartay ee ku amartay in deegaanada Puntland soo gali karin Wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee dowlada Federaalka inta lagu guda jiro doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Warbaahinta & baraha bulshada oo qoraalo lagu dhaleecaynayo Ra’iisal Wasaare Khayre lagu soo fasaxay!!

admin

Al Shabaab oo mar kale weerar ka geesatay Lamu iyo Dowlada Kenya oo Bandow soo rogtay

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay ururka caalamiga ah ee GGGI

Cabdi Cade
Taboola Ads ---