Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoor-qoor iyo C/raxmaan C/shakuur? (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa caawa hoyga uu ka degan yahay magaalada kula kulmay hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Galmudug iyo shirka Dhuusmarreeb.

“Waxaan caawa kulan talo wadaag ah yeelanay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmad Cabdi Kaariye (QoorQoor). Waxaan ka wada hadalnay guud ahaan xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Galmudug iyo sida ugu haboon ee uu ku guulaysan karo shirka Dhuusmareeb-3” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa maalmahan ka waday magaalada Muqdisho kulamo siyaasadeed oo uu la yeelanayey siyaasiyiin kala duwan, madaxda DF iyo danjireyaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

President Hassan Has His Finger in Every Pie with Many Controversial Deals Going

Caydiid Ali

Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa oo wada qorshayaal ka dhan ah Madaxda Maamul Goboleedyada

admin

Daacishta Soomaaliya oo ka hadashay Hogaanka cusub ee yeelatay Kooxda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---