Madaxweyne Trump oo markii ugu horeysay qirtay in doorashada looga guuleystay

Madaxweyne Trump ayaa qirtey markii ugu horeysay in ninka la tartamaya ee Dimuqraadiga ah Joe Biden uu ku guuleystey doorashadii madaxweynenimada Mareykanka.

Balse wuxuu ku celiyey sheegashadiisa aan daliilka loo hayn ee ah inuu dhacay musuqmaasuq baahsan oo doorashada saameeyey.

“Wuu guuleystay sababtoo ah doorashadii waa la dhacay” ayuu Madaxweyne Trump ku soo qoray bartiisa Twitter, isagoo aan hambalyo u dirin musharaxa ka guuleystay ee Joe Biden.

Trump oo looga adkaaday doorashadii 3-dii Nofembar ayaa diidanaa inuu qirto in laga guuleystay.

Wuxuu ka bilaabay dacwado badan gobolada muhiimka ah laakiin ma uusan keenin wax cadeyn ah oo adkaynaysa sheegashadiisa ku aaddan in ay dhacday khiyaano, dadaalladiisii sharciga ahaana illaa iyo hadda laguma guuleysan.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in codbixintu ay ahayd tan ugu amniga badan taariikhda Mareykanka, mana jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in nidaamka codbixinta ay saameysay wax isdaba marin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -