Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Xildhibaano maanta Gaaray magaalada Garawe Xili Puntland ay mamnuucday in…

Waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland gaaray Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland.

Xildhibaanadan gaaray magaalada Garawe waxaa soo dhaweeyay qaar kamid ah bulshada magaalada Garawe, Siyaasiyiin iyo xubno kale oo katirsan maamulka Puntland.

Xubnaha katirsan Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya ee maanta gaaray magaalada Garawe ayaa kala ahaa Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi iyo Xildhibaan Cali Yuusuf  Cali Xoosh.

Xildhibaanadan maanta tagay magaalada Garawe ayaa u kuur galaya doorashada Hogaanka maamulka Puntland oo la filayo in horaanta bihan ka dhacdo Caasimada Puntland.

Tagitaabka Xildhibaanadan magaalada Garawe ayaa kusoo aadeysa xili maamulka Cabdiweli Gaas uu mamnuucay in deegaanada Puntland ay galaan xubnaha katirsan dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Falal argagax leh oo la sheegay in ay mararka qaar ka dhacaan Degmo kutaala Muqdisho

Cabdi Cade

Mesut Ozil oo la afuray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Bishaaro Muhiim ah oo loo hayo Qurbo joogta Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---