Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawiro laga soo qaaday Madaafiic maanta ku dhacday xarunta Xalane

Waxaa maanta tiro madaafiic ah ku dhaceen xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada AMISOM sidoo kale kuyaalaan xafiiska Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah Safaaradaha reer Galbeedka.

Madaafiicda maanta lagu garaacay xarunta Xalane ayaa qaarkood gudaha ugu dhaceen xarunta, waxaana khasaaro uu gaarsiiyay qaar kamid ah xafiisyada kuyaala gudaha xarunta Xalane.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegayaan in mid kamid ah Madaafiicda uu ku dhacay  hoyga Kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey, waxaana ku dhaawacmay labo kamid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay , taliska ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM iyo dowlada federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin madaafiicdan ku dhacday xarunta Xalane iyo khasaaraha ka dhashay,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad Rakaab oo ku bur burtay Moscow iyo Dad badan oo ku dhintay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Taliyihii hore ee Nabad sugida Qaranka oo si kulul u eedeeyey dowladda Soomaaliya

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Dagaalka argagixisada haddii aan laga taxadarin waxaa ka dhalan kara..”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---