Mesut Ozil oo la afuray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan (Daawo Sawirada)

Xiddiga asalkiisu Turkiga yahay balse heesta dhalashada dalka Jarmalka Mesut Ozil ayaa kula afuray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan Qasriga Dolmabahce Palace ee magaalada Istanbul.

Ozil ay wehliso gacalisadiisa ayaa sawirro laga soo qaaday iyaga oo afur iyo casho sharaf la qaadanaya Madaxweynaha Turkiga, waxaana kulankan si weyn u hadal haya Warbaahinta Reer Galbeedka qaarkood.

Xiddigan ka fariistay ciyaaraha heerka caalami hadana u ciyaara kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa booqasho ku tagay dalka uu asal ahaan kasoo jeedo ee Turkiga, waxa uuna casho iyo kulamo gaar ah la qaatay Madaxweyne Erdogan oo taageero u ah xiddigan.

Mesut Ozil ayaa sanadkii hore si weyn loogu dhaleeceeyay kulan uu la qaatay Madaxweynaha Turkiga , waxa ayna arintaasi keentay in xiddiga uu ka niyad jabo u ciyaarista xulka Qaranka Jarmalka oo fadeexo kala soo kulmay koobkii aduunka.

Ciyaaryahanka caanka ah ayaa sidoo kale dhawaan Warbaahinta shaaciyeen in Madaxweynaha Turkiga ku martiqaaday in uu kasoo geyb galo xaflada arooskiisa oo lagu wado in dhawaan dhaco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -