Falal argagax leh oo la sheegay in ay mararka qaar ka dhacaan Degmo kutaala Muqdisho

Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay in ay ka jiraan xaalado amaan daro oo aad u baahsan, waxaana degmadaasi dadka ku dhibaateeya ciidamo maleeshiyaad ah oo ku labisan dareeska ciidanka dowlada.

Taliyaha qeybta Bari ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Maalin ayaa sheegay in degmada Kaaraan ka dhacaan falal amaan daro , waxa uuna xusay in falalkaasi geestaan rag hubeesan oo maleeshiyaad ah.

Waxaa uu sheegay taliyaha in dhacdooyin xanuun badan ragan hubeesan ka geestaan degmada Kaaraan, waxa uuna xusay in maleeshiyaadkan oo ku labisan Dareeska Ciidanka oo kala dhiman geestaan falal isugu jira dil iyo dhibaatooyin kale oo xanuun badan.

“Amni xumadda Degmadda Kaaraan waxay mareysaa heer in Jawaan la is galiyo ka dibna Bac la isku dhalaaliyo,waxaa dhibkaas geysanaya waa rag wata dareeska ciidanka oo kala dhiman,waana muhiim in la sugo amniga degmada ayuu yiri” Taliye Khaliif.

Taliyaha ayaa ugu baaqay Shacabka kunool degmada Kaaraan in ay gacan ka geestaan sugida amaanka degmadaasi lana shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago falalka amaanka lidiga ku ah ee ka dhaca degmadaasi.

Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaana kamid ah degmooyinka ugu amaanka xun gobolka Banaadir, waxaana degmadaasi ku xoogan maleeshiyaad hubeesan oo u abaabulan qaab beeleed kuwaa oo dadka shacabka dhibaateeya.

.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -