Falanqeyn ku saabsan Xildhibaanada Puntland ee xalay liiskooda lagu dhawaaqay

Guddiga xallinta khilaafaadka ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay magacyada xildhibaanada cusub ee loo soo xulay iney doortaan Madaxweynaha maamulkaas uu yeelan doono, doorashada dhaceysa 8-da bisha Janaayo ee maanta bilaabatay.

Xildhibaannada oo ay tiradoodu gaareyso 66 ayaa laga soo kala xulay gobollada kala duwan ee uu ka kooban yahay maamul goboleedka Puntland, waxaana soo xulistooda lagu saleeyey habka awood qeybsiga beelaha.

Nimco Cabdi Caarshe ayaa ah haweeneyda kaliya ee ka dhex muuqata xildhibaannada magacyadooda la shaaciyay.

49 ka mid ah xildhibaanadan cusub ayaa  guddigu waxay sheegeen inay yihiin kuwo cusub, mana laha khibrad siyaasadeed halka 17 ka mid ahna ay yihiin kuwii ka soo laabtay xildhibaanadii hore ka dib markii beelahooda ay diideen iney dad kale keensadaan.

Musharaxiinta u taagan doorashada Puntland waxay kor u dhaafeen 20, maalin walbana waxaa ku soo biiraya musharaxiin cusub oo sheegaya iney tartamayaan marka labo ama sadex musharax inta kale wax rajo ah kama qabaan iney doorashada ku guuleystaan, ujeedooyin kala duwan ayeyna ka leeyihiin iney tartamaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -