Xuutiyiinta Yemen oo lagu eedeeyey iney ku kaceen fal bani’aadam-nimada ka baxsan

Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa ku eedeysay fallaagada Xuutiyiinta Yemen inay leexsadaan cunnada gargaarka ah ee ay sida weyn ugu baahan yihiin  shacabka macluulsan ee ku nool deegaannada ay ka taliso.

Dadka rayidka ah ee ku nool caasimadda Sanca ayaan helin cunnada gargaarka ah ee loogu talagalay sida lagu ogaaday Xog ururin ay samaysay WFP.

heyadda WFP ayaa intaa ku dartay in gawaari xamuul ah ay si sharci darro ah cunnada uga daabuleen goobaha lagu qeybin lahaa, raashinkaasi oo markii dambe lagu iibiyay suuqyada ama la siiyay dad aan xaq u lahayn.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadda Yemen ay dhalisay in 20 milyan oo ka mid ah shacabka dalkaasi ay cunno yari heysato, halka kala bar dadkaasi aanay hubin helitaanka cunnada.

“Falkan lagu leexsanayo deeqda waxa uu u dhigmaa sida in qof baahan laga xado cunnadii uu heli lahaa,” ayuu yiri David Beasley oo ah agaasimaha fulinta ee WFP.

Xuutiyiinta ayaan ka jawaabin eedeyntaasi, balse waxay horay u beeniyeen inay leexsadaan raashinka gargaarka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -