Allbanaadir.com
NEWS

Dhismaha garoonka Diyaaradaha Cadale oo gebogebo maraya iyo madax sare oo kormeer ku tagay (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeeray garoonka cusub ee diyaaradaha degmada Cadale oo dhismihiisu uu gabogabo marayo.

Booqashadaan loogu kuurgalayay dhismaha garoonkaan waxaa ka qeyb ahaa wasiiro, xildhibaano, gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil iyo masuuliyiin kale, waxaana shirkada gacanta ku haysa dhismaha garoonkaan diyaaradeed ay ka warbixisay marxaladaha uu soo maray iyo xiliga la filayo in lasoo gaba-gabeeyo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in garoonkan diyaaradeed uu muhiimad gaar ah uga fadhiyo bulshada ku nool deegaanadaan,isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida si loo gaaro horumar bulsho.

Related posts

Margalit Mozes oo diiday kulan uu dalbaday Netanyahu

Caydiid Ali

Nin ay dowlada Iran ku xukuntay dil oo isagoo xabsi ku jira la siiyey dhalasho dal kale

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Puntland oo shir muhiim ah yeeshay iyo Axmed Karaash oo guddoomiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---