Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Afhayeen cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Amniga Jubbaland (Akhriso)

Afhayeenkii Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Siciid Joogsade ayaa xilkii laga qaaday sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo.

Saciid joogsade ayaa xilkan hayey muddo dhowr bilood ah, iyadoo xilka ka qaadistiisa ay timid ka dib wareegto ka soo baxday Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland.

Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur Janan oo ah Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa Afhayeenka cusub ee Wasaaradaas u magacaabay Cabdinuur Ibraahim Xuseen.

Ma cadda sababta xilka looga qaaday Afhayeenkii Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Siciid Joogsade oo ka mid noqonaya dhowr afhayeen oo horey u soo maray Wasaaradaas.

Hoos ka akhriso Wareegtada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wakiillada Puntland oo war kasoo saaray Ciidanka Deni ee la wareegay xaruntooda

Cabdi Cade

Turkiga oo Tijaabiyay gantaalada S-400 iyo Mareykanka oo si weyn uga carooday

Cabdi Cade

Wasiir Cawad oo Munaasabad afurin ah u sameeyey Safiirrada dalalka Islaamka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---