Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wakiillada Puntland oo war kasoo saaray Ciidanka Deni ee la wareegay xaruntooda

War-saxaafadeed uu goordhaw soo saaray guddoomiyaha golaha Wakiillada maamulka Puntland ayaa looga hadlay ciidanka ka ammar qaata madaxweynaha Puntland Siciid Deni ee xalay la wareegay xarunta golaha Wakiillada Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland qoraalka kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay in madaxweynaha is hortaag ku sameeyay howl maalmeedkii golaha Wakiillada uuna xarunta geeyay ciidamo isaga ka ammar qaata.

Warka kasoo baxay guddoonka golaha Wakiillada ayaa loogu baaqay madaxweyne Deni in uu ixtiraamdo Dastuurka iyo shuruucda maamulka u yaalo, iyaga oona la dalbaday in xarunta golaha ka qaado ciidanka si shaqadooda u wataan giolaha Wakiillada Puntand.

Xarunta Golaha Wakiillada ayaa maanta waxaa ku shaqo bilaabay guddiga xalinta Khilaafadaka iyo xulida golaha Wakiillada Puntland uu magacaabay madaxweyne Deni, kuwaa oo durba soo saaray shuruudaha xubnaha kamid noqonaya golaha Wakiillada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo si kulul uga carootay hadal ka soo yeeray Baaderi ka tirsan Vaticanka

Caydiid Ali

Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka oo mar kale lagu gubay dalka Sweden

Caydiid Ali

Jabuuti oo Shaacisay in ay masaafurin doonaan in ka badan 3,000 qof oo ay xireen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---