Turkiga oo Tijaabiyay gantaalada S-400 iyo Mareykanka oo si weyn uga carooday

Turkiga ayaa Jimcihii hawada u ganay gantaal meel u dhow xeebta Badda Madow ee Turkiga halkaas oo la filayay in militariga ay ku tijaabiyaan nidaamkooda difaaca S-400 ee Ruushka uu sameeyay, sida ku cad muuqaal maxalli ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters, kaasi keenay in digniin adag ay ka timaaddo Mareykanka.

Muuqaalkan oo laga soo duubay magaalada xeebta ku taal ee Sinop, ayaa muujinayay qiiq hawada isku shareerayay. Maalmihii la soo dhaafay, Turkiga ayaa soo saaray ogeysiisyo xaddidaya hawada iyo biyaha aagga xeebta ah si loogu oggolaado howlgalka tijaabada gantaallahan.

Sarkaal Mareykan ah oo aan magaciisa sheegin ayaa tilmaamay in Turkiga uu Jimcihii tijaabiyay nidaamka difaaca ee S-400 laakiin ma uusan bixin faahfaahin.

Tijaabooyinka S-400s, haddii la xaqiijiyo, waxa ay sababi karaan in ay sii kororto xiisadaha u dhexeeya Turkiga iyo Mareykanka, oo si weyn uga soo horjeeday in Ankara ay hubkan ka iibsato Moscow sababo la xiriira in hubkani uu wax u dhimayo nidaamyada difaaca ee isbahaysiga NATO.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Morgan Ortagus ayaa sheegtay in Mareykanku uu u muujiyey saraakiisha ugu sarreeya ee dowladda Turkiga in soo iibsashada nidaamyada milatari ee Ruushka sida S-400 ay tahay wax aan la aqbali karin, waxayna intaas ku dartay in Washington ay caddeysay rajjada ay ka qabto in nidaamkan gantaaluhu uusan hawlgalin.

“Haddii la xaqiijiyo, waxaan erayada ugu adag ku cambaareynaynaa tijaabada gantaalka S-400 oo ah mid aan la jaan qaadi karin masuuliyadaha Turkiga ee ka mid ahaanshaha xulafada NATO iyo saaxiibka istiraatiijiga ah ee Mareykanka,” ayay hadalkeeda sii raacisay Ortagus.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Turkiga ayaan beenin ama xaqiijin in gantaalahan ay tijaabisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -