Wararkii ugu Dambeeyay Isku Shaandheyn laga yaabo in lagu sameeyo Golaha Wasiirada  

Warar hoose oon ka helnay ilo ku dhaw Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegaya in uu socdo qorshe isku shaan-dheyn loogu sameenayo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha ayaa kulamo gaar gaar ah xafiiskiisa kula leh Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, waxaana suurto gal ah in saacadaha soo aadan isku shaandheyn lagu sameeyo golaha Wasiirada.

Sida aan xogta ku helnay waxaa la isku shaandheynayaa qaar kamid ah golaha Wasiirada, waxaa sidoo kale la magacaabayaa booska uu baneeyay Wasiirka Warfaafinta oo saakay loo magacaabay Gudoomiyaha gobolka.

Isku Shaandheynta golaha Wasiirada ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ilaa beri subax dhacdo, waxaana la filayaa in golaha Wasiirada lagu soo daro xubno cusub oo qaarkood horey dalka xilal uga soo qabtay.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Gudaha xilkaasi laga qaadayo loona badinayo in Wasaarada kale sida Wasaarada Warfaafinta loo dhiibo, waxaana suurto gal ah in Wasaarada kale loo dhiibo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -