Sadex musiibo oo dhibaato badan galineysa Geeska Afrika oo laga digay

Wadamada Geeska Afrika ayaa laga cabsi qabaa in ay wajahaan musiibooyin kala duwan oo dhibaato badan kasoo gaarto bulshada, waxaana Hay’adaha caalamka ka digayaan musiibooyinkaasi.

Ha’yadda Qaramada Midoobay hoostagta ee Save the Children ayaa ka digtay in Geeska Afrika dhibaato kasoo gaareyso sadex musiibo oo kala ah Cudurka Caronavirus, Ayaxa weerarka ah iyo sidoo kale fatahaadyada.

Waxay Hay’adan shaacisay in ka badan 5 malyan oo carruur ah oo ku nool Geeska Afrika ay wajahayaan macluul baahsan xilli dhaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka uu saameeyay safmarka Covid-19.

Hay’adda bad baada caruurta ayaa sheegtay in wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya u baahan yihiin in lala gaaro gar gaar deg deg ah, waxa ay sidoo kale Hay’adda ka digtay in cudurka Carona ku faafo xeryaha dadka barakacayaasha ah ayna musiibo ka dhalato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -