Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah: Ra’isul Wasaare Kheyre oo maanta ka baaqday safar uu dalka uga bixi lahaa

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka baaqday safar lagu waday in uu ugu ambo baxo dalka Switzerland  uu uga qeyb gali lahaa shir Caalami ah .

Sida qorshuhu ahaa Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu waday in uu maanta ka dhoofo magaalada Muqdisho, hasa ahaatee safarkaasi ayaa dib u dhac ku yimid waxa uuna baxayaa sida wararka ku helnay maalinta berito ah.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa dalka Switzerland uga qeyb galaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka , waxaana shirkan looga hadli doonaa arrimaha kobaca dhaqaalah Adddunka iyo sidii loo caawin lahaa wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto.

Dib u dhac ku yimid Safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa imaanaya xili xiisad siyaasadeed ka jirto magaalada Muqdisho, waxaana saakay xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo kuxigeenadiisa halka kuwa cusub la magacaabay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta shirar kala gooni gooni ah kula leh xafiiskiisa Masuuliyin katirsan dowlada Soomaaliya, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo waxgarad ,waxa uuna kala hadlayaa xaaladaha soo kordhay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh caan ka ahaa Somaliland oo la tuhmayo in uu baxsaday dhinaca Al Shabaab

Cabdi Cade

Burcad hubeysan oo 30 caruur ah ka afduubtay Waqooyiga Gobolka Katsina

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse iyo Kuxigeenkiisa oo lagu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---