Sheekh caan ka ahaa Somaliland oo la tuhmayo in uu baxsaday dhinaca Al Shabaab

Wasaaradda amniga maamulka Somaliland ayaa shaacisay in ay wado baaritaano ku aadan halka uu u baxsaday  Sheekh Aadan Sunne oo kamid ahaa waddaadada ugu caansan deegaanada Somaliland marar badana xabsiga la dhigay.

Wararka aan ka heleyno Somaliland ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay Sheekh Aadan Sunne, waxaana soo baxayay tuhuno laga qabay in ay xireen srdoonka Somaliland oo horey marar badan u xiray.

Wasiirku ku-xigeenka Ammaanka ee Somaliland Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Sheekh Aadan Sunne uu ka baxsaday deegaanada maamulkooda uuna aaday dhinaca Koonfurta Soomaaliya.

Waxa uu beeniyay Wasiirka in ciidamada ammaanka Somaliland xireen Sheekh Aadan Sunne, waxa uuna tilmaamay in waddaadka iyo xubno katirsan qoyskiisa u baxsadeen dhinaca Koonfurta gaar ahaan deegaanada Al Shabaab maamulaan.

“Warka aan heyno wuxuu inoo sheegayaa in niman ay saaxibo yihiin oo koonfurta jooga oo berigii horeba lagu xaman jiray in uu afhayeen u yahay uu u tegay..wararka nasoo garaaya waxay sheegayaan in uu ku sugan yahay gobolka Jubada Dhexe” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka amniga Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo gacan ka geesatay baxsashada waddaadkan oo horey maamulkooda ugu tuhmi jireen in uu afhayeen u yahay xiriirna la leeyahay kooxda Al Shabaab.

Sheekh Aadan Sunne ayaa marar badan lagu xiray deegaanada maamulka Somalilanad, waxaana waddaadkan oo mayal adkaa marar badan jeediyay khudbado ka careesiiyay maamulka Somaliland kuna taageerayay kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -