Askari maanta dil ka geetay magaalada Muqdisho oo isna la dilay

Askari la sheegay in uu katirsanaa ciidanka dowlada ayaa maanta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxa uu ku dilay nin shacab ah oo la sheegay in uu wade ka ahaa Mooto Bajaaj.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay askariga dilka geestay iyo ninka mooto bajaajlaha uu muran dhax maray , waxaana muran kadib askariga la sheegay in uu madaxa xabad kaga dhuftay ninka Mooto bajaajlaha ahaa.

Askariga dilka geestay ayaa sheegay in uu si deg deg ah goobta uga baxsaday, waxaana askariga dilka geestay baadi goob u galay ciidamada maamulka degmada Kaaraan kuwaa oo markii dambe toogasho ku dilay.

Sida aan wararka ku helnay askariga dilka geestay ayaa ku dhuuntay guri kuyaala xaafada Faanoole ee degmada Kaaraan, waxaana halkaas markii dambe askariga gacan ku dhiiglaha ku toogtay ciidamada maamulka degmada Kaaraan.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada amaanka toogteen askari katirsan ciidanka dowlada oo maanta si bareer ah Kaaraan ugu dilay qof shacab ah.

Shacabka degmada Kaaraan ayaa soo dhaweeyay dilka ciidamada amaanka maanta u geesteen akariga qofka shacabka ah ku dilay , waxaana xaafada dilku ka dhacay isugu soo baxay shacab badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -