Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda Sirdoonnada Kenya iyo Itoobiya oo kawada hadlay xaalad soo korortay

Agaasimaha Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka dalka Kenya, Nuuradiin Maxamed Xaaji ayaa booqasho rasmi ah ku tegey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Agaasime Nuuradiin Xaaji ayaa halkaasi kula kulmay dhiggiisa agaasimaha sirdoonka Itoobiya, Redwan Hussain waxaana la sheega in ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga labada dhinac

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay ka wada-xaajoodeen xoojinta amniga xadka labada dal iyo sidii ay wadajir uga jawaabi lahaayeen dhaqdhaqaaq ka soo cusboonaday xadka.

Xadka labada dal ee Itoobiya iyo Kenya ayaa la sheegay in ay falal amniga lid ku ah ka geysanayaan dagaalyahannada kooxda Shene ee loogu yeero ciidanka xoraynta Oromada oo ay Itoobiya horey liiska argagixisada ugu dartay.

 

Related posts

Trump oo diiday in la baaro ka dib markii uu la kulmay qof laga helay Coronavirus

Caydiid Ali

In ka badan 160 qof oo muhaajiriin Soomaaliyeed ahaa oo dalka lagu soo celiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Cabdi Bille oo maanta kasoo dhax muuqday Orodkii lagu qabtay Muqdisho (Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---