Weriye ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka oo loo magacaabay guddoomiye degmo

Weriye ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda federaalka Somalia ayaa loo magacaabay gudoomiyaha degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Ismaaciil Cumar Mukhtar (Orange) loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmada C/casiis.

Ismaaciil Orange ayaa ka mid ahaa weriyeyaasha ka howlgala warbaahinta ku hadasha codka dowlada, gaar ahaan Telefshinka Qaranka iyo idaacadda radio Muqdisho.

Gudoomiyihii xilka hayey ee degmada C/casiis ayaa xilka laga qaaday, lamana sheegin sababta, waxayna arintan ku soo aadeysaa xilalka laga qaaday dhowr gudoomiye degmo oo lagu eedeeyey iney ku kaceen musuqmaasuq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -