Xildhibaan C/llaahi Max’ed Nuur oo ka baxay Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xasan Shiikh

Xildhibaan C/llaahi Max’ed Nuur oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay xubinnimada Xisbiga Midowga Horumarka iyo Nabadda (UPD) ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ka dib qoraal uu caawa soo dhigay bartiisa facebook.

Kuma sheegin Qoraalkiisa sabab u gaar ah oo uu uga baxay Xisbiga UPD.

“Waxaan Maanta oo ay Taariikhdu tahay 30/12/2018 halkaan ku cadaynayaa inaan ka tanaasulay Xubinnimada Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) sababa aniga ii gaar ah oo aanan halkaan ku xusi karin, waxaana u mahad celinayaa dhamaan Madaxda, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga oo aan si wanaagsan u soo wada shaqaynay ahna Saaxiibo igu qaali ah. Waxaana u rajaynayaa Xisbiga Mustaqbal Wanaagsan iyo Horumar Wacan” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur.

Weli ma cadda sababta rasmiga ah ee Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur uu uga baxay Xisbiga UPD iyo saameynta ay arintan ku yeelan karto Xisbigan oo dhowaan ay ku midoobeen dhowr xisbi iyo Xildhibaannadii Qabyo.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ka mid ah xildhibaanada sida xooggan u mucaaradsan madaxda dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -