Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Britain iyo Jarmalka oo baaq cusub kasoo saaray Dagaalka Xamaas iyo Israa’iil

Dowladaha Britain iyo Jarmalka ayaa soo saaray baaq cusub ay ku dalbanayaan in xabbad-joojin deg deg ah laga gaaro colaada u dhaxeysa ururka gobannimo doonka ee Xamaas iyo ciidamada  maamulka Israa’iil.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain David Cameron iyo dhiggiisa Jarmalka Annalena Baerbock ayaa bayaan wadajir ah ay soo saareen ku sheegay in loo baahan yahay in la hirgaliyo xabbad-joojin deg deg ah oo dhaxmarta Xamaa iyo Israa’iil.

Wasiirradan ayaa bayaankooda ku sheegay in tiro badan oo rayid ah lagu dlay dagaalka, waxa ayna Israa’iil ugu baaqeen inay si degdeg ah usoo afjarto howlgalkeeda militari ee ka dhanka ah Xamaas.

Baaqa dowladaha Britian iyo Jarmalka ayaa kusoo aadaya xilli maalmo kahor golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u codeeyeen in xabbad-joojin deg deg ah laga hirgaliyo magaalada Gaza si loo caawiyo dadka ku dhibaateysan magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy oo War cusub kasoo saaray Ciidamo ka socda Sudan Iyo Eritrea oo jooga gudaha Itoobiya

Cabdi Cade

Dacwad ka dhan ah Shirkad Ajnabi ah iyo maareeyaheeda oo loo gudbiyay Maxkamadda G/Banaadir

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Charles Mballa iyo wafdi uu hoggaaminayay (Sawirro)

Cabdi Cade