Trump oo hadalo isir naceyb ah ku Weeraray Ilhaan Cumar & dalka ay ka soo jeedo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar aan hore loo arag oo jinsi naceb ah ku qaaday haweeneyda Ilhaan Cumar oo ka mid ah xubnaha Kongareska Mareykanka, iyo haween la mid ah oo ku jira kongreska

Trump ayaa farriimo is-daba joog ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri:

“Waa arrin xiiso leh inaan aragno haween ka mida Kongareska Mareykanka oo asalkooda ka yimid dalal dowladahooda ay guud ahaan yihiin musiibo, kuwa ugu xun dunida, ugu musuqa badan, una qalmin dowladnimo (Haddiiba ay leeyihiin dowlad shaqeysa), inay ku qeylinayaan una sheegayaan dadka Mareykanka oo ah dowladda ugu weyn dunida sida ay tahay in dowladeena u shaqeyso, Maxay dib ugu laaban waayeen oo gacan uga geysan waayeen xalinta dalalka ay ka yimaadeen ee gebi ahaan burburay ee ay dembiyada ragaadiyeen, Meelahaas ayaa si darran ugu baahan kaalmadiina” ayuu yiri Trump.

Warkan ayaa Warbaahinta Mareykanka ku tilmaantay ugu cunsurisanaa ee Donald Trump ku weerarro haweeneyda Soomaaliya kasoo jeeda ee ka tirsan Kongreska Maraykanka ee Ilhaan Cumar.

Iyadoo jawaab kulul ka bixineysa hadalkan ayaa Ilhaan Cumar waxay Madaxweyne Trump u sheegtay inay tahay qof Mareykan ah, ayna  la dagaalameyso Madaxweynihii ugu xumaa ee Mareykanka soo mara taariikhda.

“Madaxweyne anigoo ah xubin ka mida Kongareska, dalka kaliya ee aan u dhaartay waa Mareykanka. Waana sababata aan ugu dagaalamayo inaan ka difaaco Madaxweynihii ugu musuqa badnaa, aan u qalmin xilka madaxweyne ee abid soo mara dalkan” ayey farriinteedii hore u tiri Ilhaan Cumar oo sidoo kale farriin kale ku sheegtay in Trump ka careysan yahay dadka iyada la midka ah oo ka mida Kongareska Mareykanka, ayna heysato caadifad cunsuriga ee caddaanka isla weyn maskaxdooda ku jirta.

Madaxweyne Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa marar badan waxaa baraha bulshada sidan oo kale ugu dhexmaray dagaal dhinaca afka ah oo ereyo kulul la isku adeegsanayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -