Ciidamada amaanka oo qabtay Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ragii watay

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka magaaladaasi ku qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ragii watay.

Saraakiil katirsan booliiska Baydhabo ayaa sheegay in ciidamada amaanka qabteen gaari caasi ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaa oo la doonayay in lagu weeraro qeybo kamid ah magaalada Baydhabo.

Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay sadex ruux oo la sheegay in ay la socdeen gaariga waxyaabaha qaraxa lagu soo qariyay, waxaana ragan iyo gawaariga la geeyay saldhiga booliiska Baydhabo .

Saraakiisha booliiska Baydhabo ayaa sheegay in la baarayo gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo raga la socday, waxa ayna dambi baarayaasha ogaanayaan halka gaariga loo waday iyo cida soo dirtay.

Baydhabo waxaa marar kala duwan ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah oo khasaaro kala duwan kasoo gaareen dad shacab ah, waxaana qabashada gaarigan iyo raga la socday kusoo aadayaan xili Baydhabo ka dhacday Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -